Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Qaybta 5aad

calan

DAGAALKII RUUGA AMA DULMADOOBE LOOYIQIINEY 1913 ayaa xaruuntii daraawiish oo taleex taala, nabadna loofadhiyo ayaa niman dhaawac ah oo firxad ah xaruuntii yimaadeen, waxeyna kuwarameen war aan lagu farxin kaasoo ahaa safar ladhowrayay oo saanad, dhar, iyo cunto xaruunta daraawiish uwadey oo khaliif sheikh cabdule soodiray, markii horana katimid raas makaahiil oo xiligaas itoobiya boqor uahaa, hadiyad ahaana daraawiish ugusoo dhiibay ayaa safarkaa markuu marayay meel dhexe waxaa arkay niman socdaal ah oo magaalada  burca kusocda, dabadeedna nimankii usocday burco ayaa waxey kuwargeliyeen ingiriiskii iyo ilaaladiisii soomaalida ahayd oo markaa fadhiyay burco in safarkaa uu alaab usido daraawiish, deeto col uu wato nin laoran jiray axmed ilkacase oo ilaaladii ingiriiska kamid ahaa ayaa kuduulay safarkii oo maraya dooxa laas caanood kasokeeya oo cidla ah, dabadeedna raggina wey laayeen, hantidiina wey dheceen, kadib niman firxaday ayaa xaruuntii tagay. 

Daraawiish waxey talo kugaartay in duulaan lagadaba geeyo, deeto col baa lagu bixiyay, Nin walibana meeshiisuu karaacdo galay, sayidku wuxuu maalintaa amar kubixiyay inaan fardaha daraawiish lakala xigin, dabka daaraha yaalana latashiilin, raggana lookala doorin, markaasaa ninwaliba intuu xakamihii iyo koorihii gacanta kuqaatay faraskuu doono qabsaday. 

Daraawiishtii duushey oo uu horjooge uahaa ismaaciil mire waxey weerareen qabaailkii deganaa agagaarka ceelka burco oo markaa loo maleenayo iney ilaaladoodii ahaayeen kuwii iyagu dhacay maalkii daraawiish, deeto xoolo waxey lahaayeen gacantey kudhigtey daraawiish, qeylo roorkii baa wuxuu kudhacay ingiriiskii burco fadhiyay, maalintaa gudaheeda waxaa ceelka burco yimid kusimihii barasaabka ingiriiska waqooyi ufadhiyay, dabadeed col uu gaalkii koofil madax uyahay ayaa soo gurmaday oo xoolihii daraawiish qaaday soo raacdeeyay iyadoo ujeedadu tahay iney xoolaha kareebaan, nimanka dadka dhaceyna ciqaabaan, koofil kashiisaba magelin in laloodin karo. 

Daraawiish xoolihii ay qaadeen waxey habeenkii fadhiisiyeen beer iyo dulmadoobe meel udhaxeysa. 

Sadax boqol rag oo kasoo gurmaday beelihii ladhacay ayaa koofil habeenkii uqeybshey hub siay dagaalka wax uga galaan, koofil wuxuu amar kubixiyay sidan soo socota: – daraawiish markuu waaga baryo bey xoolaha soo kicin doonaan, ciidanka dowladuna horey bey ufadhiisnayaan si xoolahaas halkaas loo dhaafin, deeto markaan kubilowno idinkuna gadaal kadhabar jebiya. 

9/8/1913 markuu waagii dilaacay, qoraxdiina soo baxday ayaa daraawiish xoolihii soo kicisay, waxeyna qeybiyeen gaar hore, iyo heegan dambe maxaa yeelay daraawiishtii waxey war kuheleen in gaalkii uusoo duulay, deeto gaarkii hore waxey arkeen colkii oo hor fadhiya markaasey xoolihii joojiyeen dagaalna ufurmeysteen, daraawiishtu waxey ukala socotey shan madax oo kala ahaa shiikhyaale, taargooye, goloweyn, miinale, iyo ragxun.,  madax walibana wuxuu lahaa abaanduule gaar ah, korna waxaa kawada xukumayay  ismaaciil mire, deeto markii ugu horeysay waxaa dagaalka galay shikhyaale iyo taargooye, inyar kadibna waxaa kubiiray miinale deeto dagaalkii oo gabaabsi ah waxaa kubiiray ragxun oo ahaa niman dagaalka aqoon uleh, abaanduulihii ciidanka ingiriiska KOOFIL  halkaas baa lagu dilay, guushiina daraawiish bey raacday, xoolihiina qaatay, waxaa lasheegay in baarlamaanka ingiriisku dowladu weydiiyay sida koofil udhintey, ama loodilay, dowladuna waxey kujawaabtay  ninkaasu wuxuu ahaa geesi madax adag oo amar maqaate ah , meesha lagu dileyna barasaabka umadirin. 

1913 markuu dhintay boqorkii xabashida ee mililik waxaa xukunkii xabashida qabdsaday boqor iligyaasuun raas makaahiil oo ay dhashey boqor mililik inantiisii, boqorkaa cusub soomaalida xiriir buu layeeshay wuxuuna waraaq usoo diray sayid maxamed cabdala xasan uu kumuujinayo walaalnimo, saaxiibtinimo ay yeeshaan iyo inuu isagu yahay boqorka geeska afrika, gaalada afrika duulaanka kuahna col layahay, waraaqdaas wuxuu ugusoo dhiibey laba nin oo soomaali ahaa, lana kala oran jiray shariif daahir iyo xaashi aadan bare, nimankaasi markey xaruuntii daraawiish waraaqdii geeyeen siwanaagsan oo kalgacaltooyo leh ayaa loosoo dhaweeyay, kadibna waxaa lagu daray oo sii raacay darwiishkii la oran jiray xaaji firxad iyo nin kale waxaana boqorkii hadiyad ahaan loogusii dhiibey sadax farax  oo nugaali ah, daraawiishtuna utaqiinay dab latuurey, leydh, tooxyare oo fardihii daraawiishta  lagaxulay,  kanamid ahaa fardihii gaarka uahaa ciidamadii aadka utababarnaa ee daraawiish lahayd. 

Xaaji firxad soo noqodkiisii waxaa soo raacay oo dib loogusoo daray markuu utagay boqorkii Nin xabashi ahaa oo laoran jiray aglabi oo xaruunta wakiil uga ahaa xabashida, safiirna loogasoo dhigay maadaama daraawiish udhisneyd qaab dowlad, kadibna ciidamadii ingiriiska ayaa kudili doono ninkaasi badweynta 1920-kii markii daraawiish lajebiyay. 

Xiriirkii halkaa uga bilowday daraawiish iyo boqorkii xabashida dartii ayaa lagu keenay farsama yaqaankii jarmalka ahaa kadib markii boqorkii xabashidu lahadlay danjirihii jarmalka harar ufadhiyay oo wuxuu weydiistay in nimankaa daraawiishta ah ee ingiriiska ladagaalamaya lagar gaaro, danjiriiha wuxuu usoodiray daraawiish Nin farsama yaqaan ah oo saanada usameeya daraawiish sida banaadiiqda, rasaastana shuba oo magaciisa la oran jiray iimalo kiristi, xagga dagaalkana kala taliya daraawiish , waxaa laweriyaa ninkaasi isagoo konton awr uraran tahay, ugu yaraana boqol askari oo xabashi ah laosocoto ayaa lakeenay xaruuntii khaliif madaxda ka ahaa oo markaasi ahayd hangoolaxun, kadibna waxaa lagusoo daray 200 nin oo jid mariya, nabadgal yadiisana aad u ilaaliya, deeto ayuu xaruuntii taleex kusoo gaaray nabad, kadibna laba sano iyo dheeraad ayuu daraawiish ushaqeenayay oo rasaasta, banaadiiqda iyo hubka kalaba uhagaajinayay, muddo kadib ninkii jarmalka ahaa  wuxuu sayidka weydiistay in loo ogolaado  inuu dalkiisii ulaabto hase ahaatee lagama yeelin oo waa loo baahnaa, kadib wuxuu goostay inuu baxsado, deeto  isaga iyo nin lashaqeenayay baa habeen baxsaday oo ceelka buuraan intaanu gaarin ayuu dhaqalmay halkaas buuna kudhintay. 

DAGAALKII RUUGA ee koofil lagu dilay markii lagasoo noqday ayaa daraawiishtii talo waxey kugaartay in ceelka shimba baris oo hilaadii sodon meyl ceelka burco ujira sadax qalcadood oo dagaal laga dhiso, daraawiish xoog lehna lafadhiisiyo, dabadeedna gaalada dhuunta loogalo, si taladaa loo fuliyo waxaa ladiray lixboqol oo daraawiish, waxaana lagu balamay iney shimba baris kadhisaan, weyna dhiseen, dabadeed ingiriiskii wuxuu utabaa busheestay siduu daraawiish meesha uga kicin lahaa. 

17/11/1914 kii ayaa col ingiriis ah oo uu wato gaashaanle ingiriis ah burco kasoo duulayisagoo amar kuqaba inuu ceelkaas qabsado, daraawiish waa kawarheysay inuu colkaasi kusoo socdo deeto xoolihii waa qaxsadeen, biyihii iyo agabkiina waa meeleysteen, 21/12/1914 kii ayaa colkii ingiriisku qalcadii shimba baris dagaal kuqaaday, daraawiishtii gaashaankey uqabatay, kow iyo toban saacadood markuu dagaalkii socday oo cadowgii qalcadii geli waayay, waxna katari waayay ayay gaaladii katageen meesha, mar kale ayuu ingieriiskii dagaal rogaal celis ah kusoo qaaday hase ahaatee sixun baa loogu laayay ingiriiskii dagaalkii dambe, taliyihii gaaladana halkaa buu kudhintay, hub iyo agabkii ay wateena waa laga furtay 

15/2/1915 colkii ingiriisku mar labaad isagoo abaabulan dagaal weyn kusoo gaaday shimba baris, labadii qalcadoodna madaafiic culus bey kudumiyeen iyo bam laga laga keenay cadan, daraawiishtii halkaas kadagaalameysay waxyar baa kafiigay, dagaalkii shimba baris kadib laba bilood ayaa xaruuntii waxaa laga diray afartan Nin oo daraawiish lagaxulay oo wata afartan sange madaxna kayahay xaaji mursal awsiciid oo dhulbahante cali geri ah, waxaana lagula balamay iney marsada berbera gubaan siay ingiriiska ucabsi iyo argagax geliyaan, muujiyaana awooda daraawiishi iney gaari karto geyiga soomaaliyeed. 

7/8/1915 ayay afartankaas darwiish tageen fedada cilaan bidoole, xogtoodana cidna umasheegin, markey kuhilba qasheen, fardihiina kuwaraabsadeen ayay ka amba baxeen, waxaana dalyaqaan uahaa darwiish la oranjiray seeraar shalwe oo dhulbahante cali geri ahaa, markii ay kagudbeen dhulka banana oo dhan, buurahana dhaxgaleen ayay kawar heleen in wadadii ay mari lahaayeen degmo xoog leh oo cadow uah ingiriisna raacsan degan tahay, wadada kalana waa ciriiri dhagax ah oo farduhu kudhibtoonayaan, dabadeed waxaa galay walaac, kadib waxey kutashadeen in si tawakal ah habeenimo kudhaafaan degmada inta lahurdo. 

13/3/1915 gelinkiisii dambe ayay berbera rasaas ku asqeysiiyeen, waxeyna xerada kudileen ciidan katirsan ingiriiska oo halkaa jiifay, iyo dadkaloo badan, xeradii ingiriiska oo kuqabsaneyd marsada berberana dab bey qabadsiiyeen, waxaana meeshii isku kacay bulaan fara badan, kadibna waxey dib ujeedleen fardahoodii, arintaana waxay sababtay in dad badan kacararaan berbera oo cadan uguuraan, afartankii darwiish sinabad ah ayay ugusoo noqdeen taleex, waxeyna kawar bixiyeen waxey sameeyeen, iyagoo keenay saanad ay kasoo furteen ciidankii ay laayeen. 

1915-kii ayaa sayidku waraaq udiray wakiilkii qilaafada turkiga ufadhiyay laxaj oo uu kuleeyahay kufri baa noo xoog sheegtay ee noo hiiliya, wakiilkii markuu dowladiisii cusmaaniyiinta arintii kalatashaday waraaq jawaab ah ayuu sooceliyay oo uu kuleeyahay ergo noosoo dira, dabadeedna waxaa loodiray axmed shirwac jaamac oo ahaa majeerteen cismaan maxamuud, kaasoo heshiis isbaheysi lasoo dhameeyay. 

Ingiriiska iyo talyaani waxey heshiis ku ahaayeenin daraawiish laga ilaaliyo in dowlad kale heshiis layeelato, 1917 ayaa talyaanigu waraaq udiray ingiriiska uu kuleeyahay waxaan maqalnay in wadaadkii ay xiriir lasameeyeen dalweynaha turkiga, waxaana haboon xiriirkaas intuusan taabagal noqon laga hortago. 

1918-kii bartamihiisii ayay daraawiish xaruuntii kaguurtay, afar geedi iyo barqa deg hadey dhaxda kujirtay waxey saldhigatay jiidali oo qalcad dagaal kadhisney, daraawiishna fadhiday, dhowr todobaad kadibna ayaa waxaa lagu taliyay jiidali waa raq, waana meel banaan ah oo aan gambaad laheyn, arladuna waa arlo colaadeed ee xaruunta midhashi haloo raro oo jiidali todobo meyl ujirta kana gambaad roon, dabadeedna halkaasaa kor loogu guuray. 

Midhashi waa durdur geedo dhaxdood kuyaala, waana meel cadowga lagaga gaban kar, dagaalkana kuhaboo, waxaana laga dhisay halkaa shan daarood oo isutusan, waxaana la amray in laba jid buuraha dhexdooda mara badana ufuran lajaro siaan cadowgu usoomarin, waxaa kaloo la amray in qoryo lajaro lagana sameeyo doonyo bada looga dhoofo. 

1919-kii oo dhan dowlada ingiriisku waxey kuhowlaneyd dagaal weyn in lagu qaado daraawiish sidaa daraadeed waxaa lameel mariyay barnaamij lagala tashaday rag daraawiish kafakaday si dagaalkaas looga jibakeeno, berbera oo markaa ahayd xaruuntii ingiriiska uu dalka kamaa mulayay waxaa lagu uruurshayciidan lixaad leh oo sadax madax ukala fadhiya, ciidanka badda oo kakoobnaa sadax markab dagaal, ciidanka circa oo kakoobnaa sideed dayuuradood, ciidanka lugta oo sadax madax uqeybsanaa, sidoo kale waxaa laqorsheeyay meesha ay ka amba baxayaan iyo halkey kadagaal galayaan iyagoo diyaaraduhu ay taageerayaan, aadbaana loo ilaaliyay in sirtaa dagaalka aanan laga ogaan ingiriiska, safaradii soomaalida ee ukala socon jiray dhulka ingiriisku maamulo iyo dhulka daraawiish maamushana waa lakala xanibay siaan loo igaan abaabulkaa ,  qorshuhuna sidan buu ahaa. 

  • Madaxa koowaad oo loogu talagalay inuu dhuur cilaan ka amba baxo oo ceel afweyn maro, deeto mirashi iyo xaruunta beego. 
  • Madax loogu talagalay inuu ka amba baxo burco oo ceynaba iyo nugaal maro oo taleex beego. 
  • Madax loogu talagalay inuu bada maro dabadeedna laas qoray kadago kanasii amba baxo oo qalcadii baran beego, daraawiishta dhanka Bari kaxiraan. 

30/12/1919 barasaabka ingiriiska wuxuu soo saaray warqad cad oo ciidamada iyo dadka kalaba kuguu baabinayo in wadaadka iyo daraawiishta kuxeeran si buuxda loo ciribtiro, guud ahaana wuxuu dadka ubalan qaaday ninkii sooqabta ama soodila oo meedkiisa keena dhowr iyo toban nin oo daraawiishta kamid ahaa in laga siin doono lacag abaal gud ah, waraaqdii inta labadiyay ayaa 21/1/1920 meel kasta lagu daadiyay, raggii lamagacaabeyna waxey kala ahaayeen sidan soo socota:- 

  1. Maxamed cabdulle xasan udhashay ogaadeen, bahgeri, reer xamar. Qofkii soodila waxaa lasiinayaa shankun oo rubis
  2. Caamir xasan {caamir cagoole} ogaadeen, bahgeri, reer xamar, qofkii soodila waxaa lasiinayaa shanboqol oo rubis. 
  3. Cali cabadalla xasan ogaadeen, bahgeri, reer xamar. Qofkii soodila waxaa lasiinayaa shanboqol oo rubis
  4. Yuusuf sheikh cabdule {aw-yuusuf dheere} ogaadeen, bahgeri, reer xamar, shanboqol oo rubis ayaa lasiinayaa qofkii soodila. 
  5. Xaaji sheikh warsame xaaji suudi habar jeclo, qofkii soodila shanboqol rubis ayaa lasiinayaa 
  6. Khaliif sheikh cabdule xasan. Ogaadeen, bahgeri, reer xamar. Qofkii soodila waxaa lasiinayaa shan boqol rubis 
  7. Cabaas aw-muuse. Dhulbahante, bah hararsame. Qofkii soodila shanboqol rubis baa lasiinayaa. 
  8. Nuur xaashi. Warsangeli, 250rubis baa lasiinayaa qofkii soodila 
  9. Xaaji firxad. Ajuuraan. Shanboqol rubis baa lasiinayaa qofkii soodila. 
  10. Abshir dhoore, majeerteen. Shanboqol rubis baa lasiinayaa qofkii soodila. 
  11. Xaaji jaamac yuusuf. Sacad yoonis, 250 rubis 
  12. Ibraahim buqul, habar toljeclo, aadan madoobe, 250 rubi 
  13. Xuseen yuusuf, ajuuraan, 500 rubis 
  14. Mahdi maxamed, dhulbahante, jaamac siyaad. 500 rubis 
  15. Axmed cumar {bin cumar tage} dhulbahante, bah hararsame. 500 rubis 
  16. Xaaji maxamed dhoon. Dhulbahante, barkad. 500 rubis 
  17. Ilmaha wadaadka oo qiyaastoodu 20 qofood ahaa,  qofkiiba waxaa laga bixinayaa 100 rubis 
  18. Ismaaciil mire. Dhulbahante, Cali geri, reer guuleed. 500 rubis. 

9/1/1920 ayaa ciidankii koowaad ee ingiriiska oo lug iyo diyaaradba leh wuxuu tagay dhurcilaan oo laga sameeyay saldhig weyn iyo gagid banaan oo dayuuraduhu kaduulaan, maraakiibtii iyo ciidankii ay sideena  waxey u amba baxeen laas qoray siay gaadiidka halkaa loogu diyaarshay uga rartaan, ciidankii burco fadhiyayna wuxuu u amba baxay kiridh oo dhanka nugaal daraawiish saldhig weyn kulaheyd, dhamaan ciidamadaas waxaa lagula balamay iney 20/1/1920 weerar diyaar u ahaadaan, duulaankaasna daraawiish waxba kalama socoto, maxaa yeelay safaradii oo dhan iyo isu socdkii reer miyiga ayaa horey loo joojiyay. 

21, 22, 23/1/1920 ayaa dayuuradihii ingiriisku……………………………………   

Lasoco qeybta 6xaad hadduu allaah idmo.    

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.      

Email address: abuhamaam@hotmail.com   

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.