Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi diidka 1862-1920 Q.9aad

calan

Daraawiishtii ugalay caruusada dabkiina wey kaqaateen, xoolihiina waa laga dhacey, ayadoo arintu sidaa tahay ayaa rag hawo Kama dhamaatee gabdhihii reer sayid iyo dumarkii daraawiishtii dhimatay Nin waliba oo caruusadii ah kala halabsaday, qacdii horaba gabar la oranjirey naado buraale cabdi cumar oo khaliif sheikh cabdule kadhintey oo sayid maxamed dumaaley ayaa waxaa guursaday cali diniqo oo guriga cali inteeli dhaadhi katirsanaa. 

Sida laweriyay  nuux muxumed dhaadhi oo boqor ahaa ayaa wuxuu dooney jamaad sheikh cabdule xasan oo sayidka walaashii aheyd, kadib wuxuu lahadley sheikh yuusuf sheikh cabdule oo sayidka walaalkii ahaa, xaasaskii reer xasan nuurna odey u ahaa, wuxuu weydiistay in jamaad lasiiyo, sheikh yuuusfna taa wuu ogolaaday, hase ahaatee jamaad guurkaa wey diiday, nuux muxumed dhaadhi oo ahaa boqor diidmadaas magareysan, dad isaga magan u ah iney diidi karaan buu qaadan waayay, dabadeedna wuxuu markale lahadlay xuseen maxamuud faarax oo kumagac dheeraa xuseen dhiqle oo kuyiri jamaad baan rabaa inaan guursadee halaisiiyo oo arintaa ka odoyee, deeto xuseen dhiqle golihii haraadigii daraawiish  ayuu yimid gabayna katiriyay isagoo soo qaatay dawacadii layiri qeybi hilibka  oo wixii oo dhan ay siisay libaaxa, jamaad oo meesha fadhiday waxey fahantay dulucda gabeygaas  waxeyna iyadii meesha katirisay gabey dheer oo cajiib ah taariikhda soomaalidana caan ka ah kaasoo gocosho iyo diidmo guurkaa isugu jira. 

Waxaa layiri gabeygaas saameyn badan buu yeeshay, kadib arintii si wanaagsan baa wax looga qabtay, dad iyo duunyana waxey daraawiish lahaayeen oo horey looga dhacey waa loosoo celiyay, suldaankii iyo qof kale toona jamaad maguursan, dabadeedna nuux oo markaas kaquustay guurka jamaad waxaa loo guuriyay dagan Mahdi sayid maxamed cabdala xasan, markuu kadhinteyna waxaa dumaalay xaaji isaaq maxamed dhaadhi, sheikh cabdulana oo sayidka ladhashay waxaa lasiiyay muslimo dhaadhi oo boqorkii dhaley sidaasna arintii wanaag iyo xididnimo ugu dambeysay, halkaas beyna kudambeeyeen reerkii sayid maxamed cabdala xasan kadhintay. 

DHAMAAD. 

QORE: CABDICASIIS KHALIIF BARE. 

abuhamaam@hotmail.com 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.