
Guddigii Gurmadka Abaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha ee ka jira Soomaaliya.
Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka .
Dhaqaalaha maanta lagau wareejiyey Maamul goboleedyada ee loogu talagalay wax ka qabashada Abaaraha ka jira Dalka ayaanan la sheegin inta ay dhantahay.
Leave a Reply