Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayay dhameystirka iyo dardargalinta arrimaha doorashooyinka oo guul ku soo dhamaaday.
Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda ka jirta deegaannada Hirshabeelle iyo sidii loo dar dargelin lahaa arrimaha beni’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah Deegaannada Hirshabeelle.
Leave a Reply