
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.
“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri mudane Cabdisiciid.
Leave a Reply