Akhriso:Wasiirada Puntland ee Deni ka dhigay inay kamid Noqdaan Barlamaanka Soomaaliya

deni

Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka Soomaaliya.

Doorashadan oo ka dhacday saldhigga ciidamada Milatariga ee 54aad ayaa waxaa ku soo baxay labo ka mid ah golaha wasiirada Puntland halka labo kursi ee kale dib loogu doortay xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyadoo kursiga shanaadna uu ku soo baxay xildhibaan cusub.

Cabdi Ibraahim Warsame oo ahaa wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#196 iyadoo kursigaas hore uu ugu fadhiyay Axmed Maxamed Axmed.

Cabdullaahi Xasan Rooble oo ahaa wasiiru dowlaha waxbarashada Puntland ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop249, waxaana kursigaas hore ugu fadhiyay Sharma’arke Saleyman Buraale.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo hore ugu fadhiyay kursigan Hop235 ayaa markale la doortay.

Cali Yuusuf Cali oo hore ugu fadhiyay kursigan Hop 200 ayaa markale ku guuleystay kursigaan.

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir ayaa ku guuleystay kursiga Hop166 oo uu hore ugu fadhiyay Saadaq Xirsi Warfaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.