Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, in kabadan labaatan kalena waa lagu dhaawacay, dagaal miliishiyo beeleedyo iska soo horjeeda ku dhexmaraya duleedka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo xooggiisu ka dhacayo, xadka Balanbal ay la wadaagto dawlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayaa soo bilowday shalay galinkii dambe.
Dagaalka ayaa salka ku haya, aanooyin dil ahaa oo horey u dhexmaray, reerraha dagaalamaya iyo dhul daaqsimeed ay isku hayaan.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay gudoomiyaha degmada Balanbal, Jaamac Xayle, wuxuna marka hore weydiiya bal inuu sheego halka dagaalku ka socdo, iyo khasaaraha uu dhaliyay.
Leave a Reply