Hooyo Haboon Sahal Horis dhul ay daganeyd in kabadan 20 Snao oo ku yaala Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo gaar ahaan Xaafada Horseed ama Xaafada Labaad ayaa waxaa Maamulka Gedo ugu sareeyo ka iibiyeen nin ganacsado ah.
Wasiirkii Hore ee Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan ayaa ka hor istaagay qolo Ganacsato ah oo rabtay inay dhulka ay dagan tahay Hooyo Haboon sahal qaatay waxuuna sheegay dhulkaan inuu dan guud yahay hadii qof shaqsi ah haysanayo ama daganaanayo Haboon sahal ayaa daganaanaysa.
Hooyo Haboon Sahal ayaa sheegtay Madaxda ugu sareysa Gobolka Gedo sida Bakaal kooka iyo Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa dhulkii danta guud ee ay daganayd niman ganacsato ah ka iibiyey.
Haboon Sahal Horis ayaa ka codsatay Madaxwayanaha Soomaaliya inuu wax ka qabto boobka iyo dhac ay Madaxda Gobolka gedo ay ku hayaan Bulshada Gedo agaar ahaan dhulka ay daganayd 20 snao ka badan.
Leave a Reply