Qoorqoor oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Uk iyo Safiir kuxgeenka Maraykanka

Qoorqoor

Madaxweynaha Dawlad Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta  magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaas oo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.