Deni oo Ka Tacsiyeeyey Shacabkii Qaraxa lagu eegtay Boosaso

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, ka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay maanta Boosaaso.

AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.