Reysalwasaare Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Aqoonyahanada iyo Odayaasha dhaqanka Gobalka Gedo oo uu hogaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.
Kulanka ayaa loga hadlay doorashada Garbahaarrey siday udhici lahayd logana gudbi lahaa caqabdaha hortaagan doorashada iyo Sidii Gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay Saameeyeen Abaaharaha ka jira Gobolka Gedo.
Reysalwasaare Rooble ayaa balanqaaday inuu hirgalinayo heshiiskii 17 September uuna dhameyanayo caqabadaha doorashada ku horgudban laguna qabanaayo Garbahaarrey oo aysan ka hareyn degaanada labaad ee doraashada lagu qabtay.
Odayaasha ayaa ku qancay balanqaadka Reysalwaasare Rooble oga mahadceliyay sida uu soo dhaweyay cabashadoodna una dhagaystay.
Leave a Reply