Akhriso:Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Fasaxay Kursiga Fahad Yaasiin iyo kuwa kale

fahadyasiin

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa fasaxay kursiga uu kusoo baxay Fahad Yasiin iyo kuraas kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka kuwaasi oo doorashadoodu ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in kuraastan 6 ah oo uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Latiyaha Xaga amniga ee Madaxwaynaha Soomaaliya Fahad Yaasiin ay fasax yihiin.

Guddiga Khilaafaadka ayaa shaaciyey in kuraastan ay fasaxeen dhammaantood aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo ka timid ama laga diiwaan-geliyay, muddada ugu qoran Guddiga habraacooda, isla markaana ay fasax yihiin kuraasta doorashadoodu la qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.