Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka Bari oo kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.
Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Guud ee Gobolka Bari, Arimaha Doorashada, iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay Kulamada uu Madaxweynaha puntland la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada Gobolka Bari.
Isimada Gobolka Bari ayaa mar kale Deni usoo sheegay inaysan mowqifkoodii hore aysan badalayn waxayna mDaxwayne Deni ka codsadeen inuu fuliyo Qodobadii ay horay usoo saareen oo ugu horeyso arimha Ciidamada PSF iyo Dekada Boosaaso.
Leave a Reply