Boqor Burhaan oo Ka warbixiyey Kulan kale oo Dhexmaray Deni iyo Isimida Puntland.

boqorka

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa war ka warbixiyey Shir ay Isimada Gobolka Bari markale la yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Shir u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaso ayaa isugu yimid kulankoodi labaad.

Kulanka ayaa ka dhacay Madaxtooyada Boosaaso.Shirkan ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad arrimaha looga hadlaayey, waxaana mar saddexaad loo ballamey kulan kale, oo aan rajeynayno in uu noqdo kii lagu soo dhamaystiri lahaa arrimaha taagan.

Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in uu marinaayo waddo sax ah, uuna kala hadli doono Isimada ay khuseyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.