Guddoomiyaha Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey Cumar Maxamed Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Heritage oo uu Hogaaminaayo Cabdirahman Yusuf Cali Caynte waxayna ka wada hadleen qorshe howleedka guddigan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Guddoomiye Cumar Dhagay ayaa Madasha Heritage ka siiyay qorshe howleedka guddigan oo loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo xaaladda deegaan doorashada Garbahaarreey, isagoo ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta qorshe howleedkooda.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar uu la kulmay Guddi ka kooban maamul goboleedyada oo booqday Garbahaaray ayaa waxuu sheegay inay Garbahaaray amni tahay Doorashada lagu qaban karo lamana garanayo waxa loo magaacabay Guddi kale oo Xaqiiqo raadin ah.
Leave a Reply