Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buulle Garaad (Canjeex) ayaa ka hor yimid Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta u magacaabay qiimeynta xaaladda doorasho ee Magaalada Garbahaareey.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buulle Garaad (Canjeex) ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubbaland ee Garbahaarreey Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar Dhagey” in uusan rabin Garbahaareey ka dhacdo doorashado, oo uu ka gudbinayo Gobolka xaalad aan ka jirin iyo Been Abuur aan sal lahayn.
Leave a Reply