Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka JFS ee shalay lagu doortay Boosaaso kuwaas oo dhamaantood Deni kuraasta u xiray.
Madaxweynaha oo kulan Qado ah la qaatay Mudaneyaasha Golaha Shacabka, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay Wuxuuna alle uga baryay in masuuliyaddaasi uu u fududeeyo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah senatarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay Garoowe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
Leave a Reply