Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Munaasabad Saraakiil Tobabar loogu soo xiraayey

muuse

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay xaflada qalin-jabinta Dufcadii 7aad oo ka kooban 410-Sarkaal oo ka baxay kulliyada Tababarka Layli Sarkaal Ee Cabdilaahi Askar kana tirsan Ciidamada Qaranka, Ilaalada Madaxtooyada iyo Asluubta.

Munaasibadaa ballaaran oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha , Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Waxbarashada iyo sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, Tamarta iyo Macdanta, Cabdilaahi Cabdi Faarax, warfaafinta wacyigelinta iyo dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Diinta iyo Aw-qaafta, Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Maalgashiga iyo wershedaha, Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aarre, Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee qalabka sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.