Shidaalka Soomaaliya ee Lasaxiixay iyo Meeshay Sartu ka Qauruntay

shidaal

Sida laogyahay shirkadaha shidaalka waxey soomaaliya kusoo qamaameen sanadkii 2012-kii, waqtigaa dowlad goboleedka puntland waxaa yimid shirkada african oil, galmudugtii yareydna waxaa yimid shirkada layiraahdo Liberty Petroleum Corp , dhanka baarida xeebahana waxaa kahawlgalay  shirkada Soma Oil & Gas oo ah shirkada hadda uu wasiir injineer cabdirashiid usaxiixay todobada block oo magacii hore iskabadashay.

Shirkadaa Soma Oil & Gas heshiiskii ay lagashay dowladii waqtigaa katalineysay soomaaliya oo ahayd dowladii uu madaxweynaha ka ahaa madaxweyne xasan sheekh maxamuud wax badan baa kaqaldanaa heshiiskaas, balse madaxdii waqtigaa meysan sixin qaladkaa, qaladka ugu weyna wuxuu ahaa heshiisyada baarista shidaalka marka lagalayo shirkada maalgelineyso baaritaanka shidaalka faaidadeeda waxey kaheshaa macluumaadka baaritaanka ayay kagadataa kambaniyada kale ee soosaara shidaalka, laakiin shirkadan Soma Oil & Gas sidaa ma ayan ahayn, waxey iyadu dhahday waan idiin baarayaa shidaalka badaha kujira, deeto macluumaadka aan soo ogaado idinkoo dowladii ah baan idinsiinayaa, kharashkii baarida iga galayna waxaan kubadalanaa 12block shidaal oo ah kuwa ugu fiican, waana loo saxiixay, waxaana usaxiixay wasiir cabdirisaaq cumar maxamed   oo dowladii madaxweyne xasan sheekh maxamuud mar kasoo noqday wasiirkii amniga , ilaa haatan kujira siyaasada soomaaliya, qaladkii ugu weynaa dowladaa gashay halkaas buu kasoo bilowday.

SIDEE BUU QALAD U AHAA?.  wuxuu qalad uahaa kharashka kagalay shirkadaa soma oil and gas baaridaa wuxuu le ekaa sideed iyo toban milyan ilaa labaatan iyo shan milyan oo doolar, shirkadana waxaa loo saxiixay 12 block oo halkii block-ba uu soo saari karo sideed bilyan oo fuusto ilaa toban bilyan oo fuusto batrool lagu qiyaasay,  marka shirkadu todobada block waxey kaheli kartaa labaatan bilyan oo doolar, kharshkii baarida iyo hawl fududeenta kagaleyna wuxuu ahaa 18 ilaa 25 milyan oo doolar kaliya, marka qaladkii ugu weynaa iyo meesha ay sartu kasoo quruntay saxiixaas ay dowladii madaxweyne xasan sheekh maxamuud sameysay ayuu ahaa. 

Madaxdii qaladkaa galay, hadana saxiixay ma mudan yihiin in lala xisaabtamo maadaama ay weli siyaasada soomaaliya?, yaase laxisaabtamayo?.

Shirkii kadhacey london 2019-kii oo garwadeen ka ahaayeen dowladii uu reysal wasaaraha ka ahaa xasan cali kheyre iyo shirkada soma oil and gas ee lagusoo bandhigay shidaalka soomaaliya waxaa kaqeyb galay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaankii tobanaad cabdiweli sheekh ibraahim muudeey, iyo wasiirka batroolka iyo macdanta soomaaliya injineer cabdirashiid maxamed axmed, maalintaas waxaa lasoo bandhigay 15block oo shidaalka bada soomaaliya jiyoolajigeeda, shidaalka meeshuu kujiri karo, lakabyada shidaalka dhala, lakabyada shidaalka keydiya, shidaalka qiyaastiisa oo maalintaa lagu qiyaasay sodon bilyan oo fuusto shidaal ah, halkii fuusto qiimaha waqtigaana marayay $70 ilaa $80 doolar iibka, marka sodon bilyan oo fuusto lagu dhufto todobaatan doolar waa lacag aad ubadan, laakiin shirkaas london kadhacay ma uusan hanaqaadin, sababtuna waxey ahayd:————


LASOCO QEYBTA LABAAD

Diyaariye . cabdicasiis khaliif bare

abuhamaam@hotmail.com  

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.