Maka Daynaa Hagardaamada Qaranka Soomaaliyeed W?Q Dhiblaawe

mucaarad

Dadka Soomaaliyeed waa in ay lahaadaan qalbiyo wax xasuusta,maskax wax garata iyo akhli wax rogrogi kara oo inta wax shaandheeya waxa saxa ah ee lagamamaarmaanka u ah aayaha danbe ee naftooda iyo ubadkooda kala soo dhex bixi kara,sidaas markaan leeyahay waxaan rabaa in aan dadkayaga xasuusiyo shanti sano ee ina dhaaftay dalkayaga waxaa ka jirey hardan kooxo is biirsaday oo shisheeye ah iyo siyaasiyiin annaga naga mid ah oo danahooda u adeegaysay ay jilaafooyin u dhigayeen xukuumadda Soomaaliya oo ay u arkayeen in ay la timid qab iyo isku tashi una jahaysatay in dalkaan ka madaxbanaanaado shisheeye wixii uu qabsan karana qabsado,bal aan idin xasuusiyo dhawr waxyaalood oo aan ku faani karno:-

1-Cayrintii Kornel Gabre.

2-Xiridii xeradii general gordan ee Imaaraadka oo haday sii jiri lahayd aanaan maanta dawlad ahaaneen.

3-Cayrintii wakiilkii jamciyada qaruumaha ka dhaxaysa.

4-cayrintii kuxigeenka wakiilka midowga Afrika.

Intaas waxay marqaati ka tahay in siyaasada Soomaaliya laga ilaaliyey gacmom shisheeye.

In kasta oo dagaal joogtaa oo quwada waaweyn ay geed u fadhi u ahaayeen lagu hayey dawalada Soomaaliya safka horana ay kubada ka cayaarayeen,Keenya,Imaaraadka iyo Jabuuti oo adeegsanayey kooxda xaraash qaran, haddana waxyaalo la taaban karo bay qabaytay dawladu sida:-

1-Kobcinta dhaqaalaha.

2-joogtaynta bixinta mushaaradka shaqaaalaha iyo ciidamada.

3-Tayaynta ciidamada qalabka sida.

4-Ilaalinta hantida qaranka(amaanodhawr)

5=Ladagaalanka musuqmaasuqa.

6-Soo celintii hawada Soomaaliya.

7-Soo celitii furaha isgaarsiinta.

8-Dayactirka goobihii muhiimka ka ahaa ee caasimada sida xarumaha hayadaha iyo goobhii taariikh ahaa.

9-Soo celinta,dayactirka iyo waliba kuwo cusub ee la dhisay safaaradahii dibada.

10-Soo celinta boqolaal maxaabiis Soomaaliya oo ku dhibaataysnaa xabsiyada dalal shisheeye .

11-Deyn cafinta oo ku timid maamulwanaag iyo islaxisaabtan

Intaas haddaan idin xasuusiyey aan ku soo gunaanado waxa igu dhaliyey qoraalkaan,waxaan arkaayey kooxdii xaraash qaran niman ka mid ah  oo qaylo afka furtay oo afuufaya buun qabyaaladeed,waxba ayaana ku dheeraan magacoodana sheegis uma baahna oo baraha bulshada ayaa lagu wada arkay ayyga oo leh annaga reer hebel ah waa in aan helnaa madaxweyne ama resulwasaare.

Bal aan isweydiino ma dastuurka Soomaaliya baa laba qolo u jideeyey in madaxweynaha iyo reysulwasaaruhu ayyaga booscelis u yihiin.

Waxaan masuuliinta ka sugeynay in ay raadiyaan shaqsi waxqaban kara ee maanta sugi mayn qof reer Qurac ah iyo mid reer Qansax ah waana ayaan daro,sidaas darteed kuwa reer hebel wax ku raadinaayoow tartanku waa furan yahay ee gala.

Ugu danbayn baarlamanka 11naad oo hawlgelidoonoow magaca guud ee Soomaaliya baad mataleysaan(shanta Soomaaliya) habar wacashada iyo qabiil kicinta waa isku daygii ugu danbeyey oo Meesha aan u socono in nala ka leexsho la rabo,bal ila eega odayasha kor ku hadlay waa kuwii wada fadhiyey xaruntii Xaraash Qarash ee Jasiira oo aan isku mowqif ahayn ee ninba reer macalin quwaax kicinaayo,haddii aan qabiil u kala baxno waxaa naloo celinayaa Jabhadihii iyo hogaamiya kooxeedyadii,baarlamaana jirimaayo.danta dadka iyo dalka iyo tan damaca shisheeyaha iyo dabadhilifyada u adeega baa idin hortaal,waa idin sugaynaa taariikhna waa qormi doontaa.

Wabillaahi Towfiiq,DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.