Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Qof naftiisa haligay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay. Qaraxu waxa uu ka dhacay meel u dhaw Madaxtooyada Hirshabeelle ee Beledweyne.
Sidoo kale qarax labaad ayaa hadda ka dhacay aaggaas, waxaana hawada ka baxday korontadii magaalada Jawiga ayaa mar qura is bedelay, waxaana magaalada ka socotay doorashada kursiga HOP#011.
Xasan Dhuxul oo ahaa musharax xildhibaan ayaa waxaa uu ka mid noqday dadka caawa Qaraxyada Baledweyne ku geeriyooday.
Leave a Reply