Madaxweynaha Dowlad deeegaanka soomalida Mudane Mustafe maxmuud Cumar ayaa Caawa Casho Sharaf usameeyey Ugaas Maxamed ugaas Axmed iyo Wafti uu Hogaaminaayo oo Nabadayn u Joogo Caasimada deegaanka Somalida ee Jigjiga.
Kulankan Cashada ah oo Madaxweynuhu usameeyey Ugaaska iyo waftigiisa ayaa waxaa ku wehlinaayay ugaas Cabdi ugaas Daahir Siyaasiyiin Ganacsato iyo Qurba Joog u dhalatay beesha sade oo Ku sugan deegaanka iyo xubno kale.
Kulankan oo uu Garab sacday Ka Hadlay Baahiyaha Bulsho ee waftigan deegaanka Ujoogo oo nabadu Kow ka Tahay ayaa Looga Hadlay Qodobo Bun-dhig u ah wada Noolaashaha Bulshada Deegaanka iyo nidaamka dowliga ah ka dhaxeeyo.
Si Gaar ah Kulanka ayaa Diirada lugu saaray sidii Bulshada luugu sameyn Lahaa Dhab u heshiisiin maadaama deegaanada Qaarkood ay ka Jiraan isku Dhacyo beeleed iyo Sidii Bulshadu ugu Hogaansami lahayd Nidaamka Dowliga ah ee deegaanka ka Jiro loolana shaqayn lahaa.
Madaxweyne Mustaf maxmuud cumar ayaa Ugaaska iyo Waftigiisa oga Mahadceliyey Dadaalada Samadoonimo ee Ka shaqaynta Maslaxada Bulshada iyo Doorka muuqdo ee ugaasku ka Qaatay Dib uheshiisiinta Bulshada
Ugaas maxamed ugaas axmed ayaa Madaxweynaha ugu Horeyn kaga mahadceliyey kulankan So dhawaynta ah waxa uuna Ku Baaqay in Dowladu Doorkeeda dib uheshiisiinta ay sii laba-jibaarto.
Leave a Reply