Muuse Biixi oo Khudbad U Jeediyey Dadweyne Ku Soo Dhaweeyey Madaarka Hargaysa

muuse

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee safarka shaqo ugu maqnaa waddanka Maraykanka, ayaa maanta soo dhaweyn heer qaran ah loogu sameeyey gudaha caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in safarkiisii uu waddanka Maraykanka ku tegay ahaa mid taariikhi ah oo guulo waaweyn usoo hooyey bulshada Somaliland, cadowgana ka nixiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkayagii wuxuu ahaa mid guul u ahaa Somaliland oo taariikhda geli doona, cadowga Somaliland-na wuxuu ahaa mid dhabarka ka jebiyey oo ka nixiyey.”Madaxweynuhu waxa uu bulshada ugu bushaareeyey in codkii shacabka Somaliland uu gaadhay ciddii ugu mudnayd ee ay ahayd inuu gaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.