Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) ayaa maanta xubno kasocday Guddiga FEIT ee heer Federaal ku wareejiyay Faylasha xilibaanada labada Aqal ee lagu doortay deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland ee Kismaayo.
Munaasabada waxaa qayb ka ahaa xubno kadocday Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kuwaas oo dhamaanba goob joog ahaa doorashadii deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland oo laso afmeeray 21-March-2022
Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaanan ka hadlin kuraastii taalay Magaalada Garbahaaray ee deegaan doorashada Labaad ee Jubbaland.
Leave a Reply