Akhriso:Rooble oo Soo Dhaweeyey Afarta Xildhibaan ee Laga Reebay Liiska Xidhibaanada Cusub

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maaxmed Xuseen Rooble waxa uu u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay najiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeysa tiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.