Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool Caalamka.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay isu gargaaraan kana faaideystaan acmaasha bishaan barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u duceeyay shacabka Soomaaliyeed isagoo Ilaahay uga baryay inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadada bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda xanuunsana uu Ilaahay caafimaad deg deg ah siiyo.
Leave a Reply