Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay Madaxda Shirkadda DPWORLD, si loo dardargeliyo oo dhakhso loo billaabo dhismaha iyo balaarinta Dekadda Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DPWORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kuwaasi oo markii Kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DPWORLD.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimi dadaal ku bixiyey Sidii loo dhaqaajin lahaa Shaqada balaarinta Dekadda Boosaaso, waxaana ugu danbeyn laga gaaray guulweyn oo ah in dhowaan uu bilowmayo mashruuca balaarinta Dekadda Boosaaso.
Heshiiskii Horay loola galay shirka Dp World ee dalka Emirateka Carabta ayaa Sanad ka hor dhacay waxa ay ka qabatayna ma jirto Dekada Boosaaso.
Leave a Reply