Karaash oo ka qayb Galay Dhaarinta Wasiirada Cusub ee Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro, Wasiiro Ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, kula dardaarmay in ay Bulshada ugu adeegaan sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan, wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.