Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga, si ay warbixin uga siiyaan hannaanka doorashada Soomaaliya.
James Swan ayaa ku boorriyey in ay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.
Kulanka dhexmaray James Swan iyo Guddiga Doorashada ee Hogaaminaayo Muuse Geelle ayaa imaanaya iyadoo uu taagan yahay Khilaaf xooggan oo ku aaddan arrimaha doorashada dalka, gaar ahaan 4 kursi ee laga reebay xildhibaanda la siinaayey Shahaadada.
Leave a Reply