Daawo:Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

muuse

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo Doollar ayaa wuxuu ugu mahadnaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble , oo uu sheegay inay khadka taleefanka uga tacsiyadeeyeen dhibaatadii qabsatay Shacabka Somaliland oo hantidoodii ku waayey dabkii dhowaan qabsaday Suuqa ugu weyne magaalada Hargeysa ee Waheen.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka ay Lacag usoo dirtay, wuxuuna  uga mahad-celiyey dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Ganacsatada gurmadkii ay u sameeyee dadka walaalahood ah ee ku hanta beelay  dabkii ka kacay Suuqa magaalada hargeeysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.