Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warqadaha dal ku galka ah kala noqotay Danjirihii dhawaan ay Xukuumadda Soomaaliya ka ceyrisay dalkeenna, kaasi oo faraha la galay arrimo ka baxsan shaqada loo igmaday, iyagoo lafaray Hay’adaha Amniga, gaar ahaan kuwa ka howlgalla Garoonka Aaden Cadde in Danjire Francisco Madiera aanu soo geli karin dalka, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri
“Anigoo tixraacaya warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dalka looga ceyriyay Danjire Francisco Madeira,
Waxaan farayaa Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay hay’addu kala laabato waraaqaha dalka ku jooga, kuna wargeliso Danjire Francisco Madeira, dib dambana looma siin karo waraaqaha dalka ku galka ah, sidoo kale waxaa agaasimaha hay’adda Socdaalka la farayaa in uu ku wargeliyo dhamaan cidda ay quseyso in Danjire Francisco Madeira aan dalka la keeni Karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.
Waxaa la farayaa hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aadan Cadde in Danjire Francisco Madeira aanu soo geli karin dalka, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.
Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa lana farayaa inay fuliyaan dhamaan hay’adaha sare ku xusan gaar ahaan kuwa amniga, Socdaalka iyo jinsiyadda iyo Maareeyaha garoonka in si kumeel gaar ah loo xiray dhamaan howlihii terminal-ka MoveCon, ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.
Leave a Reply