Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo Hambalyo u diray Ciidanka Xooga dalka

karaash

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu hambalyeeyay sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegatay markii la’aasaasay.

“Hambalyo Sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed 12-April 1960.

Waxaan Hambalyada Munaasabada 12-ka April la wadaagayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda, Xaasaskooda iyo Caruurtooda meel ay joogaanba.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa muhimad gaar ah siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamada, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenku ku boggaadiyay difaaca iyo naf hurnimada ay u sameynayaan illaalinta nabadgelyada iyo amniga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.