Xuska CXDS Sanadguurada 62aad Maxaan ka Baran Karnaa W/Q Dhiblaawe

mucaarad

Dal kasta wuxuu leeyahay maalmo u astaysan oo lama iloobaan ah sanad kastana la xuso,12ka Abriil waxay la mid tahay maalmaha lama iloobaanka ah ee ummadda Soomaaliyeed ,sida maalmaha xoriyada Soomaalida ee 1da Luulyo, 26ka Juun iyo 27da Luulyo ee Jabuuti, aad ugu fiirso oo maanka geli 12ka Abriil in ay tahay maalintii la aasaasay ilaaliyayaasha maalmahaas nagu qaaliga oo aan la’aanteed maalmahaasi jiri Karin, waxaa la soo bandhigaa awooda ciidan ee aan leenahay iyo halka aan u socono In ciidankeenu gaaro, waxaa ku farxa shacbiga wadaniyiinta ah, waxaana ka naxa cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan idin xusuusin lahaa maalmihii ina dhaafay kuwa sheegta mucaradka ee uu Geedfadhiga uu u yahay Resulwasaare Rooble dacaayadihii ay faafinayeen si aan munaasibadaas u qabsoomin, ayyaga oo shacbiga u sheegayey in Madaxweyne Farmaajo uu qorshaynaayo ciqilaab miletery, waan yaabay oo maskaxdaydu waxay qaadanweydey madaxweyne ciqilaabaya dawladii uu madaxweynaha ka ahaa, in ay si kale u dhigaan baa u dhaantay oo dhahaan wuxuu u xuubsiibanayaa BOQOR, siddii Jiim bedel Bukaasa, waxaa jab kale ah aan weli I soo marin resulwasaare mucaarad ku ah xukuumaddii uu hogaaminayey iyo laamaheedii, waxaan kale oo aad marna naxdin igu noqotay marna fajiciso markii aan daawaday fantasiyihii 12ka Abriil oo si quruxbadan u dhacay madaxdii qarankuna wada fadhido laakiin resulwasaarihii ka maqan yahay,oo aan isweydiiyey miyuu dalka shaqo uga maqan yahay, hoos ka daawada xuskii 12ka Abriil ee XDS oo uusan ka dhex muuqan resulwasaare Rooble.

WAR HELAA  TALO HELA.DOQON BAA GOD LABA JEER LAGA QANIINAA.WAXAASI WAA FARDO OO LAYSUMA QARIYO.WAA LAG IDAAD EE DHEELALAABO HA KU CUNIN. SANDAREERTADA SOORU CUNAY MOOD WAASE LAGU SIRAY.

Afartaan maahmaahood waxaan u soo qaatay in aan ku baraarujiyo shacbiga Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka 11aad ee rag xulashada ku keenay resulwasaare Rooblana geedfadhiga u ahaa.[RAQBA KU RAGEEDA}, ma qarsoona labada kooxood ee dalka ku hardamaysa ujeedooyinka ay kala leeyihiin waa dumin iyo dhisid (MEYD MAXAA U DENBEYEY MIDKAAS LA SII SIDO) Wixii shan sano nagu socday sida mooshin,qabyaalad,kicin dadweyne,abaabul maleesha beeleed iyo isku day dagaal sokeeye, bal ku darsada siyaasadaynta xuska CXDS iyo resulwasaarahii oo aan ka soo qaybgelin ujeedadaydu waa in aan indhaha shacbiga Soomaaliyeed ku jeediyo Baarlamaanka 11aad ee hawlgelidoona cidda uu dalka u gacangelin doono, ma waxay noqon xaraash qaran iyo Rooble ee shisheeye u adeegaya mise kuwa maanta fadhiya xuska 12ka Abriil oo naftooda u huraaya dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq,DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.