Karaash oo Shaafiyey Inuu La Wareegay Mas’uuliyadda Maamulka Puntland

karaash

Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu la wareegay awoodda madaxwayne ee Maamulka Puntland kadib markii madaxwaynaha Maamulkaas uu isu soo taagay xil kale.

Karaash ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay “mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland”

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.