Deni oo Ka horyimid Wareegtadii Kasoo Baxday Madaxwayne kuxigeenka Puntland

deni

Madaxwayihii Hore ee Puntland Sciid Cabdulaahi Deni ee isu Sharaxay Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho waxaa uu soo saaray war qoraal ah oo uga soo horjeedo Xilalkii uu Magacaabay Madaxwayne kuxigeenka Puntland Axmed cilmi Cismaan Karaash.

Warar Qoraal ah oo Deni Soo qoray ayaa sidaan u qornaa.

Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.