Laftagareen ayaa ka Tacsiyey geerida ku Timid Rabi ha’unaxariistee Xildhibaan hore Marxuum Carfe Ibraahim Aadan

lafatagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyey geerida ku Timid Rabi ha’unaxariistee Xildhibaan hore Marxuum Carfe Ibraahim Aadan oo Caawa Muqdisho ku geeriyooda.

Madaxweynaha ayaa Marxuumka Ehelkiisa,Qarabadiisa iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyey geerida ku timid Rabi haunaxariistee Carfe Ibraahim Aadan “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Carfe Ibraahim Aadan,Marxuumka waxa uu ka mid ahaa haldoorada naftooda uhurey Dowlad dhiska Koonfur Galbeed iyo Samatabixinta Bulshada isagoona Xilal kala duwan oo ugu adeegayo Shacabka uu soo qabtay.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uweydiiyey Marxuumka inuu geeyo Janadiisa Firdowsa Ehelka iyo Qaraabadana uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.