Akhriso:Rooble oo Shaaciyey Xildhibaan aan Dhabancad ogalaansho ka hayn inuu soo Galayn Afisyoone

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Howgalka Nabad ilaalinta ATMIS  faray in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone.

Sidoo kale Hoggaanka ATMIS waxaa la faray in ay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskiisa iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Rooble.

Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.

Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.

Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.