Maanta oo Talaado ah waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday Doorashada Gudoonka Aqalka Sarre ee Soomaaliya iyadoo la dooranayey Guddomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa Kuxigeen.
Wareegga labaad ee doorashada Guddoomiye ku xigeenta 2aad ee Aqalka Sarre ayaa waxaa ku tartamaayey murashaxiinta kala ah Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde waxaana doorashada kusoo idlaatay Fartaag oo helay 23 halka Timacade helay 30.
Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” oo ah Saxiibka Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxaa inta Badan ka shaqeynayey dhibaatada Shacabka Juubaland gaar ahaan kuwa shacbaka Gedo, waxuuma indho la’aan ku taageeri jiray Axmed Madoobe.
Shacabka Jubbaland ee ku sugan dalka Dibadiisa iyo gudihiisa ayaa soo dhaweeyey Guuldarada uu kala kulmay Doorashadii Aqalka Sarre ee ka dhacday Magaalada Muqdisho, lama oga Senator Fartaag inuu raali galin ka bixin doona dhibka ay ka tirsanayaan Shacabka Jubbaland gaar ahaan kuwa Gedo.
Leave a Reply