Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa caawa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa horay usoo noqday Gudoomiyaha golaha shacabka, mudadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007-dii ilaa 25-ka May ee sanadkii 2010-kii.
Leave a Reply