
Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay diiwaangelinta iyo lacag qabashada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Murashax Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.
15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.


Leave a Reply