Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa kooxda argagaxisada Al shabaab dib ugala wareegay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ookadib markii ay Shabab qabsadeen Magaaladaas.
Howlgalkan oo ciidamadu ku sugayaan amaanka Magaalada ayaa waxaa hoggaaminayay Saraakiil sare oo katirsan maamulka degmada iyo madax uu kamid yahay Guddoomiyaha degmada Guriceel oo halkaaa gurmad u tagey.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa Baadiyaha degmada Matabaan waxa ay kawadaan howlgalo lagu baadi goobayo firxadka Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya Baadiyaha degmadaas.
Leave a Reply