Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u fasaxay Imaaraatka Carabta lacagtii $9.6 Malyan ahayd ee sida sharci darada ah kusoo geliyeen dalka Soomaaliya sanadkii 2018.
Safiirka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya oo uu weheliyo Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta ah Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa saaka tagay Bangiga Dhexe iyagoo wata warqad uu usoo saxiixay Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud halkaas oo ay kala soo baxeen lacag dhan $9.6malyan oo ahayd lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan Cade sanadkii 2018-kii.
Imaaradka ayaa lacagtaan u adeegsan doono sidii Soomaaliya lagu dhinaatayn lahaa loogana abuuri lahaa Colaado iyo dilal Qorshaysan.
Leave a Reply