Dowladda Mareykanka ayaa beenisay war maalmihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud lagu marti qaaday dalka Mareykanka.
Bayaan lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri: “Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay caddaynaysaa in xilligan aysan jirin casuumaad rasmi ah oo Mareykanku uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u booqdo Washington, DC. Dowladda Mareykanku waxay ka war qabtaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu aad ugu mashquulsan yahay dhismaha dowladdiisa.”
Leave a Reply