Su’aashaan waxaan u soo jeedinayaa waa Soomaali wadani ah oo indheergarad ah magaleyso qalbiyada qabyaaladu dilootay, daneyste iyo shisheeye kalkaal, aan ku hormaro 15ka MAY maxay tahay? Jawaabtu waa maalinta aasaaska xoreeynta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ee ka soo bilaabatay 1943dii 15kii May.
Waxay ahayd maalin halgan gobanimadoon iyo guul u ahayd ummadda Soomaaliyeed qalbiyadoodana mideysay ilaa maanta oo aan joogno 19ka May 2022, waxay ahayd 15ka May maalin gumeystaha iyo cadawga dadka Soomaalida ah dhabarka ka wareentay laguna gaaray dhalashadii Jamhuuriyada Soomaaliya ee isu keentay HARGEYSA IYO MUQDISHOW, Waa fikir ka dhiman waayey quluubta dadka Soomaalida ah ee ku nool meel kasta oo dunida ka mid ah, kan dhashana lagu ababiyo SYL iyo 15ka May.
Laga soo bilaabo 1943dii ilaa maanta cadawga ummada Soomaliyeed dabkii iyo iftiinkii shidmay 1943dii 15ka May, gumeystihii iyo cadawga ummadda Soomaaliyeed waxay raadinayeen sidii ay ku damin lahaayeen ma ahayn wax fudud in guusha gacmaha Soomaalida ku jirtey laga faramaroojiyo ayaga oo difaaceeda u mideysan, sidaas awgeed waxaa cadawgu intaas baadi goob ugu jirey cid arintaas u fulisa oo inaga dhexdayada ka soo baxda qalbiyadoodana ay ka tiran tahay Soomaaliweyn iyo mideynteeda, waxa la dhiraandhiriyaba maanta waa la helay waxaana cadawgu gaaray 2022dii 15kii May in xabaal lagu rido maalintii midnimada iyo xoreynta Soomaalida, ayyada oo la adeegsanaayo golayaashii sharci dejinta ee qaranka Soomaalida (MADAX MEEL KA SARAYSA LAMA SALAAXO) Aaan soo gabagabeeyo oo soo qaato dhawr maahmaahood oo ah:-
1-caana daatay dabadooda baa la qabtaa.
2-reer rag leh sidaas roob ma ugalaa.
3-Waxaasi waa fardo oo laysuma qariyo.
4-May shalay maanta ahaato.
5-Ninkii seexdaa saciis dibi dhalay.
6-la mood noqonse weydey.
Haddii aan la helin xoogag cusub oo dhiig cusub ku jiro oo naf iyo maal hura ogaada biloowgii ilaa dhammaadkii wixii doorashada lagu sheegay waxay u qorshaysnaayeen in 15ka May la aaso, waxaana lagu aasay teendhada Afisyoone 15/05/2022, sidaas awgeed wixii maali jirey maandeeq waxaan leeyahay ,YAA MAALI JIREYEEY AAN DIIDNO XABAASHA LAGU RIDEY,INTA GOORI GOOR TAHAY,WAXAAN KACDOON DADWEYNE AHAYN OO LAGU BADBADIN KARAANA MA JIRAAN.
Wabilaahi Toowfiiq Dhiblaawe.
Leave a Reply