Muuse Biixi Oo Ka Qaybgalay Dabbaaldegga 20-Guurada Aas-Aaska Xisbiga Kulmiye

muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 20-guurada kasoo wareegtay Aas-aaskii xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

Munaasibadda debbaaldegga oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubnaha hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddida fulinta, madaxda laamaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka, xildhibaannada goleyaasha qaranka ee xisbiga kasoo baxay, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor bulshada katirsan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, iyada oo madasha si qoto dheer loogaga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee xisbigu soo maray, guulihii kala dambeeyey ee uu kasoo hooyey doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, looguna duceeyey haldoorkii iyo labeentii xisbiga dhidibada u taagay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.