Sawiro:Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Kufsaday Shaqadii Wasaarada Gargaarka Soomaaliya

khadiijo

Ergayga gaarka ah ee Arimaha Bini’aadantinimada Soomaaliya ee dhawaan magacaabay Madaxwayne Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Wasaarada Qorsheynta, Xafiiska Qaramada Midoobe iyo Hay’adda Gargaarka ee UKaid.

Qoraal uu soo dhigay ergayga Bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Waxaan maanta kulamo kala duwan oo xog waraysi ah la yeeshay wasiirka Qorshaynta Md Jamaal Xasan, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo ku xigeenkiisa ahna xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula, safiirada Soomaaliya ku fadhisa dawlada Ingiriiska oo ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya dalkeena, ahna qalinhaya arrimaha Soomaaliya.

Waxaan isla qirnay in xadiga abaaruhu ay aad u waynyihiin, mudnaanta koowaadna ay noqoto gaargaarka dadka abaaraha ku waxyeeloobay iyo in aysan u gudbin heer macluul.” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishaakur Warsame ayaa hada waxuu faragalin ku hayaa shaqadii Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.