Daawo:Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya oo kooram La’aan u baaqday

Aadanmadoobe

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS  ayaa u baaqday Maanta kooram La’aan, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Madoobe uu sheegay in Xildhibaanada badankood ay safaro ku Maqanyihiin sidaasna uu u baaqday   shirkii Golaha maanta la filayey in uu qabsoomo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xildhibaanada la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uusan qabsoomi karin maadaamaa xildhibaanada kulanka soo xaadiray aanu dhameyn tiro ahaan Intii loogu talo galay inuu kulanka ku furmo oo ah 139-mudane.

Ajendaha Kulanka Maanta  baaqday ee Xildhibaannada ayaa waxaa looga hadli rabay  Akhrinta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, iyada oo Xildhibaannada xalay loo diray farriin ah inay kulanka soo xaadiraan.

1 Comment

  1. Sniga waxaan ku talinlahaa
    In lakaladuraa waxaan
    Qashinka ah ee aan
    Matalikarin shacabka
    Kuligood nairobi ayay aadeen
    Markaydid xildhiban
    Kenyan ah oo somalia
    Aadaayo dadkaan liito waa inaan halnaa waxaan ku
    Badalno xataa marka aay
    Fadhiyaan golaha aqlaaq
    Malahan badankooda
    Waxaan muslim mahan miyaa
    Midka aay doorteen wadaad hore ayuu ahaa kitaabadii
    Wuutuuray deedna laaluush
    Ayuu shaqo Mooday maxay matalaan hadii aay imanaayn fadhiyada ,,
    This people are fairly
    We don’t need them realy
    Because they are cropted people

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.