Madaxweynaha Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Dhuusamareeb

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalmahii  la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa Maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Dhussamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Xubno kamid ah Maamulka galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.