Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulo cusub u Kala magacaabay Goboladda Baay iyo Bakool ee Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya
Madaxweyne Lafti gareen ayaa Guddoomiyaha gobolka Baay u magacaabay Mudane Abdifitaax Mohamed Ibrahim.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow iyo ku Xigeenkiisa dhanka Amniga iyo Siyaasada isaga oo magacaabay maamul Cusub.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa loo Magacaabay Mudane Mohamed Abdi Mohamed Tall ,halka ku xigeenkiisa Amniga loo magacaabay Abdullahi Mohamed Nuur.
Leave a Reply