Teendhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta agu qabto munaasabadda caleemosaarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee la xiiriirta Munaasabadda Caleema saarka Madaxweyne Soomaaliya, waxaana Muqdisho Soo gaaraya wafuud kala duwan oo heer caalami ah kuwaas oo ka kala socda wadamada caalamka.
Madaxda iyo wafuuda maanta ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia, Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo dalal kale.
Leave a Reply